14 Qof oo ku Dhimatay daadad ka dhacay Kuuriyada Koofureed

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay daadad iyo dhul go’ ay sababeen roobab mahiigaan ah oo maalmo ka da’ayay Kuuriyada Koonfureed, sida uu sheegay xafiiska maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dhimashadu ay kororto, iyadoo ay socdaan gurmadka loo fidinayo dadka, iyadoo la la’yahay 12 qof.

Muuqaallo la soo duubay ayaa muujinaya dad dhex mushaaxaya dhoobo qaro weyn oo ku taal magaalada loo dalxiis tago ee Gapyeong Axaddii iyaga oo ka gudbaya buundada burbursan si ay u gaaraan hoyga dadka laga daad gureeyo.

Dhanka koonfureed, tuulo dhan ayaa waxaa daboolay carro iyo khashin ka dib dhul go’ ka dhacay bartamaha gobolka Chungcheon, sida laga soo xigtay muuqaal fiidiyow ah Sabtidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here