Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpoolayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike.
Saxafiga Ben Jacobs ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Hugo Ekitike maanta oo Axad ah ama maalinta isniinta.
Kooxda Liverpool ayaa dalab ku kacaya 90 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga reer France.
Agaasimayayaasha labada kooxood ayaa haatan ka shaqaynaya macluumaadkii ugu dambeeyay ee heshiiska Xiddiga.