Congo iyo M23 oo gaaray heshiis nabadeed oo hordhac ah.

0
47

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dawladda DR Congo iyo kooxda M23 ayaa dalka Qatar ku gaaray heshiis lagu oo afjarayo dagaalka muddada dheer ay waday kooxda M23 ee u dagaallanta xuquuqda bulshada Tutsiga, sida uu ku waramay telefishinka Al Jazeera.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Doxa si wada Jir ah ugu saxiixay wakiillo ka socday labada dhinac.

Colaaddan soo jiitameysay muddo dheer ayaa salka ku haysa xasuuqii Rwanda ee 1994, waxaana kooxda M23 ay badankoodu ka kooban yihiin dagaalyahanno Tutsi ah.

Dagaalka labada dhinac ayaa sanadkan sababay kumannaan dhimasho ah iyo barakicinta boqolaal kun oo qof, taasoo sare u qaaday khatarta uu dagaalku uga sii gudbi karo xuduudaha gobolka oo dhan.

Heshiiska labada dhinac ee Congo iyo M23 ayaa dhigaya in wadahadallada rasmiga ah ee heshiiska nabadeed la bilaabi doono ugu dambayn 8-da Agoosto, taasoo ka dhigan in labada dhinac ay haystaan wax ka yar laba toddobaad si ay u dhammeystiraan heshiiska 18-ka Agoosto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here