Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Meta ayaa sheegtay in ay bogeeda ka saartay ku dhowaad 10 milyan oo akoon oo Facebook ah sannadkan 2025, kuwaasoo iska dhigayay hal-abuurayaal caan ah.
Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo sirdoonka macmalka ah (AI) uu ka dhigayo mid sahlan in si baahsan loogu sameeyo waxyaabo badan baraha bulshada.
Baraha kale ee bulshada ayaa iyaguna qaaday tallaabooyin ka dhan ah kororka waxyaabaha tayo-darrada ah ee loo yaqaan “AI slop.”
Ololahani wuxuu qeyb ka yahay qorshaha guud ee Meta ee lagu doonayo in Facebook uu noqdo meel la isku halleyn karo oo la xiriira nuxurka runta ah, iyadoo lala dagaallamayo akoonnada isticmaala qalab AI ah si ay u abuuraan waxyaabo marin habaabin ah.
Sidoo kale, Meta waxay bilowday tallaabooyin adag oo lagu horumarinayo qoraallada asalka ah ee abuurayaasha, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta blog-keeda.