Liverpool Oo Ugu Cad-Cad Saxiixa Rodrygo

0
37

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Real Madrid Rodrygo Goes ayaa hubaal ah inuu ka tagayo kooxda xagaagan, iyadoo Liverpool ay u muuqato inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixiisa – waa haddii ay marka hore iska iibiyaan Luis Díaz – sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay AS.

Arsenal ayaa sidoo kale la sheegay inay aad u xiisaynayso weeraryahanka reer Brazil, iyadoo dejinaysa tartan ay u badan tahay inay laba kooxood  u galaan saxiixa xiddiga.

Rodrygo ayaa ku bixi kara lacag lagu qiyaasay 100 milyan oo Yuuro, inkasta oo la filayo in wada xaajoodyada Real Madrid ay noqdaan kuwo kuwo fudud maadama ay Real Madrid doonayso in ay iska iibiso xiddiga.

Iyadoo xiddigaha da’da yar ee Franco Mastantuono iyo Endrick ay diyaar u yihiin inay ku tartamaan daqiiqado garabka midig ah, doorka Rodrygo ee kooxda ayaa laga yaabaa in la yareeyo xitaa wax ka badan wixii ay taageerayaashu goob joog ka ahaayeen intii lagu jiray 2025 FIFA Club World Cup, halkaas helay daqiiqado yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here