Faahfaahin ka soo baxaysa khasaarihii ka dhashay dibadbaxyadii Kenya

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan laba qof ayaa u dhintay dhaawac rasaas ka dib banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Boqolaal qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee isbitaalka la geeyey labadaasi qof, kuwaas oo dalbanayey inay maydka qaataan. Rasaas ayaa laga soo sheegay duleedka magaalada Nairobi iyo deegaano kale, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dad badan ay ku dhaawacmeen rasaasta.

Golaha xuquuqda aadanaha ee Kenya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso 10 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here