Trump oo qalinka ku duugay sharcigii laga cabsi qabay

0
39

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharcigiisa siyaasadeed ee taariikhiga ah, maalin kadib markii uu si dirqi ah u ansixiyay Congress-ka.

Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday Aqalka Cad ayaa dhaqan gelisay qaybo muhiim ah oo ka mid ah ajendaha Trump oo ay ku jiraan canshuur dhimis, kor u qaadista kharashka difaaca iyo la dagaallanka socdaalka.

Jawi dabaal-deg ah ayaa ka dhacay Aqalka Cad iyadoo Trump uu saxiixay sharciga ka hor maalinta xorriyadda iyo bandhig millatari oo ay ka qeyb galeen duuliyeyaashii dhawaan u duulay Iiraan si ay u duqeeyaan saddex goobood oo nukliyeer ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here