Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane C/salaan Cabdi Cali ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Waxaana xarig jarka ka qeyb galay diblumaasiyiinta safaaradaha ku yaala magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, wasiiro iyo bulshada qeybaheeda kale.
Waxaa SooJeedinaya:- Nuur Maxamed Cabdi