Sababta Uu Mikel Arteta U Doonayo Saxiix Norgaard,

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto Christian Norgaard oo ka tirsan Brentford iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe lagu wado inuu maro tijaabada caafimaadka.

Iyadoo Thomas Partey lagu wado inuu baxo marka uu dhamaado qandaraaskiisa dhamaadka bishaan, Gunners ayaa si dhaqso ah u dhaqaaqday si ay u bedelaan khadka dhexe ee ugu khibrada badan.

Mikel Arteta ayaa rajo ka qabay inuu ku qanciyo xiddiga heerka caalami ee dalka Ghana inuu saxiixo heshiis cusub, gaar ahaan marka la eego u dhaqaaqida Jorginho ee Flamengo, laakiin 31 jirkaan ayaa doonaya inuu raadsado tartan cusub.

Arsenal ayaa si degdeg ah uga falcelisay waxayna ku dhowdahay inay ogolaato qiimaha Norgaard oo qiimihiisu yahay 10 milyan oo euro.

Laacibka Sevilla ee Lucien Agoume ayaa bartilmaameeed u ahaa Arsenal laakiin Arteta ayaa doonayay Norgaard.

Maamulaha Arsenal waxa uu rabay ciyaaryahan Premier League u diyaar ah inuu buuxiyo booskii ay ka baxeen Jorginho iyo Partey, halkii uu ku khamaari lahaa xiddig da’yar ah.

Marka la eego waxa ay Arsenal ka filan karto Norgaard, ixtiraamka uu Thomas Frank, oo haatan ah maamulaha Tottenham, u soo bandhigay ciyaartoygiisii ​​hore ka dib markii uu heshiis cusub u saxeexay horaantii sanadkan, waxa ay muujinaysaa tayadiisa wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here