Wafdi ka socda Iran oo gaaray Magaalada Geneva.

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa u safray Geneva isaga iyo xubno ka socda wafdiga siyaasadda Iran si ay ula kulmaan wasiirrada arrimaha dibadda ee saddex dal oo Yurub ah iyo wakiilka sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda.

Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu ka tago Iran tan iyo markii ay weerareen Israel iyo bilowgii dagaalka u dhexeeya labada dal.

Lama shaacin sida uu Arakchi uga baxay Iran dagaalka ka dib.

Iyadoo hawada Iran xiran tahay ayaa su’aasha la is weydiinayaa waxay tahay sida uu wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ugu suuragashay inuu dalka uga baxo.

Xiritaanka hawada Iran waa go’aan gudaha ah oo ka soo baxay militariga iyo hay’adaha siyaasadeed ee Iran, kaas oo lala socodsiinayo hay’adda duulista rayidka si loo fuliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here