Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarada Israa’iil ku qaadday xaruumaha Nukliyeerka Iran.

0
7

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda kormeerka nukliyeerka iyo shucaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Jimco ah ku dhawaaqday in weerar militari oo lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee u adeegaya ujeeddooyin nabadeed uu yahay ku xadgudub sharciga caalamiga ah.

Bayaankan ayaa la soo saaray kaddib duqeymo ay Israa’iil la beegsatay xarumo nukliyeer oo ku yaalla Iran tan iyo markii uu bilowday dagaalka labada dal.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah waddamada si cad u cambaareeyay weerarrada Israa’iil ay ku qaaday xaruumo ku yaalla gudaha Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here