Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garabka Paris Saint-Germain, Ousmane Dembele, ayaa hadda ah ciyaaryahanka ugu cadcad inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.
Dembele ayaa door muhiim ah u ciyaaray kooxda Ligue 1 ka ciyaarta maadaama ay xilli ciyaareedkan ku guuleysteen 3 koob.
Guushii Sabtidii ay 5-0 kaga badisay Inter Milan ayaa keentay in PSG ay kor u qaado Champions League markii ugu horeysay taariikhda.
Wiilasha Luis Enrique ayaa horay loo xaqiijiyay inay ku guulaysteen horyaalka todobaadyo badan hadda waxayna sidoo kale ku guuleysteen Coupe de France.
Sida laga soo xigtay Odds Checker, Dembele ayaa ku jira liiska ugu sareeya xiddigaha u tartamaya abaalmarinta.
Laacibka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ka sarreeya labada ciyaaryahan ee Barcelona ee Raphinha iyo Lamine Yamal.