Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Pakistan Asif Cali Zardari ayaa meelmariyay sharci ujeedkiisu yahay baabi’inta guurka carruurta ee caasimada Islamamad iyo dhulka hoos taga.
Sharcigan cusub ayaa ka dhigaya da’da ugu yar ee guurka caasimada ee Raga iyo Dumarkaba inay ahaato 18 sano jir.
Guurka da’da yar ee aan sharciga la meel mariyay ahayn ee Islamabad ayaa loola dhaqmi doonaa hadda ka dib inuu yahay dambi.
Cidd walba oo ka shaqeysa guurka carruurta yaryar ee xilliga hore ayaa wajihi doonta ilaa 7 sano oo xabsi ah.
Dadka ku adag diinta ayaa si carro leh uga soo horjeestay sharcigan, iyaga oo sheegaya in aysan Islaam ahayn, ayna ka soo horjeedo qiyamka bulshada Pakistan.