Toni Kroos Oo Fariin U Diray Xiddiga Ku Dhaw Liverpool Ee Florian Wirtz

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Florian Wirtz ayaa looga digay “wax walba way kala duwanaan doonaan” marka uu ku biiro Liverpool xagaagan, laakiin Toni Kroos ayaa kalsooni ku qaba inuu la qabsan doono.

Wirtz ayaa la filayaa inuu Liverpool kaga soo biiro Bayer Leverkusen xagaagan, iyadoo Fabrizio Romano uu sheegay in Reds ay soo gudbisay dalab ka sarreeya €100 milyan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa lagu soo waramayaa inuu doortay inuu u dhaqaaqo Anfield ka dib markii uu diiday dalab uga yimid Bayern Munich.

22 jirkaan ayaa qeyb muhiim ah ka ahaa Leverkusen xilli ciyaareedkii 2023-24 ee uu hogaaminayay Xabi Alonso, iyadoo kooxda ay ka gaabisay sii heysashada horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan, Wirtz wax qabadkiisu wuxuu ahaa mid muhiim ah isagoo dhaliyay 15 gool isla markaana dhigay 16 kale tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here