Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin caddaan ah oo British ah oo 53 jir ah, kana soo jeeda xaafadda Liverpool, ayaa la xiray ka dib markii uu baabuur ku jiirsiiyay tiro dad ah oo ku lugaynayay Waddada Water Street, wax yar uun ka dib 18:00 BST. Booliiska ayaa sheegay in loo malaynayo inuu ahaa darawalkii gaariga.
Kumannaan qof ayaa ka soo qeyb galay bandhigga guusha Premier League ee kooxda Liverpool. Goobjooge ayaa sheegay in shilku uu dhacay 10-daqiiqo kadib markii uu halkaasi marayay baskii ay la socdeen kooxda Liverpool FC. Waxa uu ku tilmaamay in uu inantiisii soo qabtay oo uu dariiqii goysiiyay.