Sacuudiga oo sameeyay hanaan lagu dheellitirayo kulaylka inta lagu guda jiro Xajka

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sacuudi Carabiya ayaa soo gabagabeysay mashruuc dib loogu habeynayo nidaamka biyaha la cabo ee meelaha barakeysan si loogu adeego xujeyda Muslimiinta ah ee badan, taasoo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu dheellitirayo kulaylka inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka xajka ee sanadlaha ah ee ku beegan horaanta bisha soo socota.

Nidaamku wuxuu bixiyaa 2,400 tas-hiilaad biyo qaboojin ah oo ku teedsan waddooyinka inta lagu jiro xilliga Xajka.

Mashruucan waxaa soo saaray Kidana, oo ah madaxa horumarinta goobaha Barakaysan ee Sucuudiga, si loo horumariyo waayo-aragnimada xujaajta inta lagu jiro xilliga Xajka iyo in la yareeyo khatarta fuuq-baxa.

Kidana, oo ka tirsan Guddiga Boqortooyada ee magaalada Makkah iyo Goobaha Barakeysan, ayaa hore ilaa 500 oo marwaxado ka hireglisay Mina, oo qiyaastii lix kilomitir bari kaga beegan magaalada barakeysan ee Makkah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here