Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa u sheegtay Chelsea in ay bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa Alejandro Garnacho xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.
Mustaqbalka Garnacho ee Old Trafford ayaa u muuqda mid aan la hubin ka dib markii uu bartilmaameedsaday Ruben Amorim ka dib guuldaradii United 1-0 ka soo gaartay Tottenham finalkii Europa League habeenkii Arbacada.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ka xanaaqay go’aankii Amorim uu kaydka ku bilaabay kulankii final-ka isaga oo badal ku soo galay daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta.
“Ilaa finalka waxaan ciyaaray wareeg kasta anigoo kooxda caawinaya, maantana waxaan ciyaarayaa 20 daqiiqo, ma garanayo,” Garnacho ayaa u sheegay warbaahinta.
“Finalka waxa uu saameyn doonaa [go’aankeyga] laakiin xilli ciyaareedka oo dhan, xaalada kooxda. Waxaan isku dayi doonaa inaan ku raaxaysto xagaaga oo aan arko waxa dhacaya ka dib”.