Shaqaale Israa’iilyiin oo lagu toogtay meel u dhow madxafka Israa’iil

0
18

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Toogashada ayaa ka dhacday bannaanka hore ee matxafka yahuudda ee ku yaalla bartamaha magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil, oo ahaa lamaane da’a yar – ayaa lagu toogtay meel u dhow madxafka, iyagoo ka soo baxayay xaflad ka dhaceysay gudaha madxafkaas, oo sida la sheegay diiradda lagu saarayay caawinta dadka reer Qasa.

Booliiska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Elias Rodriguez, oo ka soo jeeda magaalada Chicago, kaas oo ay sheegeen inuu yahay qofka keliya looga shakisanyahay toogashada inuu geystay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninka laga tuhunsanyahay uu qirtay in uu dembiga geystay isla markaana uu ku dhawaaqayay ereyo ah Falastiin oo xor ah isagoo xabsiga ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here