Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa ansixiyay sharci wax ka beddelaya xeerarka lagu helo dhalashada wadankaas.
Sharcigan waxaa soo jeediyay xisbiga midigta fog ee ay hogaamiso raysal wasaaraha dalkaas, Giogia Meloni.
Waxaa uu qaadashada dhalashada dalkaas ogolanaya sharcigan dadka waalidiintiisu yihiin Talyaani, kuwaas oo sidoo ku hadli kara luuqadda afka Talyaaniga islamarkaana degganaa Talyaaniga muddo saddex sano ah.
Dowladda ayaa sheegtay in isbedelkan uu yimid ka dib markii ay kordheen qulqulka muhaajiriinta dalkaas.