Ingiriiska oo ku baaqay in la qaado xayiraadda gargaarka Gaza

0
58

Jowhar ( Radio Isnaay ) – Boqortooyada Ingiriiska ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) u sheegtay in Israa’iil ay qaado xayiraadaha ku aaddan gargaarka bini’aadanimo ee galaya Gaza

Sidoo kale UK ayaa maxkamadda caalamiga u sheegtay inay muhiim tahay in israaiil ay xaqiijiso ilaalinta rayidka iyo dhowrista sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

“Waa wax aan la aqbali karin in muddo ku dhow laba bilood Israa’iil ay xannibtay taageerada bini’aadanimo ee gelaya Gaza” ayay tiri Sally Langrish oo ah wakiilka UK,waxayna intaa raaciday in in rayidka Falastiiniyiin oo ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah ay wajahayaan gaajo, cudurro iyo dhimasho.

Tan iyo 2-dii bishii Maarso, Israa’iil waxay xirtay isgoysyada Gaza, iyadoo ka xannibtay saadka lagama maarmaanka ah inay soo galaan Gaza,taaso keentay warbixinno badan oo ku saabsan macaluul ka jirta dhulka ay dagaalladu baabi’iyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here