Luis Diaz Oo Xaqiijiyay In Uu Heshiiska U Kordhinayo Liverpool.

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Luis Diaz ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalo heshiis kordhin ah oo Liverpool ah ay ku dhow yihiin ka dib markii uu sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda.

Waxa ay Porto kaga soo iibsatay 37.5 euro suuqii January ee 2022, Diaz ayaa dhakhso leh u noqday mid ay taageerayaashu jecelyihiin laakiin waxaa lala xiriiriyay inuu baxo xagaagii hore iyadoo lagu soo waramayo in uu xiiso ka helay Barcelona.

Ugu dambeyntii xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia wuu sii joogay wuxuu door weyn ka qaatay hanashada horyaalka Premier League ee Liverpool.

17 gool oo uu ku lug lahaa ayaa la macno ah in uu soo qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa 13-kii gool ee uu ka dhaliyay horyaalka waxa wadar ahaan kaliya ka sareeya Mohamed Salah (28) dhamaan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here