Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ednaldo Rodrigues, madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xulka qaranka loo magacaabay tababaraha eer Italy ee Carlo Ancelotti kaas oo haatan ah tababaraha kooxda Real Madrid.
Magaca Ancelotti ayaa in muddo ah lala xiriirinayay inuu tababare u noqon doono xulka qaranka Brazil, waxaana hadda soo baxay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil si uu u xaqiijiyo saxiixa.
Xidhiidhka kubbada cagta Brazil ayaan wali shaacin mudada uu soconayo qandaraaska Carlo Ancelotti, balse ma noqon doono wax ka yar laba sano.
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil ayaa yiri, “Magacaabista Carlo Ancelotti inuu hogaamiyo Brazil ma ahan oo kaliya go’aan istiraatiji ah, balse waa cadeynta caalamka ee go’aankeena ah inaan dib u soo ceshano kaalinta ugu sareysa”.