Arsenal Oo Hartay Iyo PSG Oo Si Toos Isaga Xaadirisay Finalka Champions League

0
7

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Arsenal ayaa tartanka Champions League kaga hartay heerka semi-finalka iyadoo hal talaabo u jirtay inay gaarto final-ka, kadib markii ay guuldarro kala kulantay PSG.

Lugtii labaad ee ka dhacday Parc des Princes ayaa ku dhammaatay 2-1 oo ay guuleysteen PSG, taasoo ka dhigtay natiijada guud 3-1 oo ay kaga adkaadeen Arsenal.

Fabian Ruiz iyo Achraf Hakimi ayaa u dhaliyay PSG caawa, halka Arsenal ay gool kaliya ka heleen Bukayo Saka.

Natiijadan waxay ka dhigan in Arsenal ay weli sugeyso hanashada koob weyn tan iyo markii ay qaaday FA Cup sanadkii 2020, iyadoo ay weli wax koob ah ku guuleysan Mikel Arteta oo tababare u ah.

PSG waxay final-ka Champions League la ciyaari doontaa Inter Milan, oo Barcelona kaga adkaatay laba kulan oo taariikhi ah kuna dhammaadeen 7-6 (isku darka labadii lugood).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here