Ruben Amorim Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Viktor Gyokeres

0
59

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda Manchester United ee Ruben Amorim ayaa ku adkaystay in aanu kala hadlin tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

26-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya Sporting xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 52 gool, waxaana uu diiwaan geliyay 12 caawin 48 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan oo ay ku jiraan 38 gool iyo 7 caawin 30 kulan oo horyaalka ah.

Gyokeres ayaa heshiis kula jira Lisbon ilaa June 2028, laakiin waxaa si weyn loo filayaa inuu u dhaqaaqo xagaagan, iyadoo Man United la rumeysan yahay inay si weyn ula dhacsan tahay xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden.

Amorim ayaa la filayaa inuu doonayo inuu dib ula midoobo weeraryahanka xagaagan, laakiin waxaa la soo jeediyay in Red Devils ay u baahan doonto inay xaqiijiso u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda si ay ula soo wareegto.

Kooxda Man United ayaa u soo bixi karta champions League hadii ay ku guulaysato Europa League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here