Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Binti Ibraahim Cali waa gabar ku nool magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle, waa ardayad dhigata Jaamacadda Zamzam faraceeda Jowhar iyadoo ka barata kuliyadda Health Science gaar ahaan Nursing.
Sidoo kale Binti waa hooyo heysata laba caruur oo guursatay xilli ay ku gudo jirtay waayaheeda waxbarasho taasi oo ka dhigan in Binti uusan guurkeeda kahor istaagin inay rumeyso riyadeeda waxbarasho.