Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbixinno cusub oo ay shaaciyeen hay’addaha ammaanka internet-ka iyo FBI-da ayaa lagu sheegay in koox budhcada internet-ka ah oo ka tirsan kooxda Lazarus ee Waqooyiga Kuuriya ay adeegsadeen shirkado been abuur ah oo Maraykanka laga diiwaangeliyey si ay u beegsadaan shirkado ka shaqeeya lacagaha Cryptocurrency.
Shirkadahaas oo lagu magacaabo Blocknovas iyo Softglide, ayaa u loo eekaysiiyey kuwo sharci ah, balse dhab ahaantii waxaa laga maamulayay gudaha Waqooyiga Kuuriya.
Kooxdan ayaa adeegsatay barnaamijyo Malware-ah sida RN Loader iyo RN Stealer, kuwaas oo awood u leh inay xadaan xogaha xasaasiga.