Klopp Oo Ka Fal Celiyay Guushii Ay Liverpool Ku Guulaystay Premier League.

0
49

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jurgen Klopp ayaa qirtay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko Liverpool oo ku guulaystay premier League Axadii.

Arne Slot ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee Holand ah ee qaaday koobka ka dib markii uu Liverpool ku hogaamiyay horyaalka xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Anfield, isagoo bedelay Klopp xagaagii hore ka dib go’aankii uu kaga tagay kooxda reer Germany.

Waxa ay ahayd koobkii 20-aad ee ay Liverpool ku guulaysato horyaalka heerka kowaad waxayna ku soo beegantay shan sano kadib markii uu Klopp Reds ku hogaamiyay koobkoodii ugu horeeyay ee Premier Leaque shan sano ka hor.

Isagoo dib u milicsanaya guushii ugu dambeysay ee Liverpool, Klopp ayaa ku soo qoray Instagram: “Aad ayaan ugu faraxsanahay ku guulaysiga Liverpool sidoo kale waxa aan ku kalsoonahay mustaqbalka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here