Man United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig U Ciyaara Man City.

0
38

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City James McAtee sida ay sheegayaan wararku.

22-sano jirkaan ayaa si weyn loogu qiimeeyaa Etihad Stadium wuxuuna 7 gool u dhaliyay kooxda Pep Guardiola xili ciyaareed laakiin waxa ay kaliya 12 bilood ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda Man City.

McAtee ayaa la saadaaliyay inuu ka tagayo City waxaana lala xiriiriyay dhinacyo badan oo Yurub ah, iyadoo The Telegraph sheegayso in ay Man United doonayso saxiixa xiddiga.

United ayaa la og yahay inay aad u xiiseyneyso inay la soo wareegto ugu yaraan hal xiddig oo Khadka dhexe ee weerarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here