Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ku guuleystaha Champions League Owen Hargreaves ayaa ku qanacsan in Real Madrid ay xiiseyneyso weeraryahanka Arsenal Bukayo Saka.
Hargreaves ayaa aaminsan in uu Saka is baray Real Madrid kulankii champions League ee ay Arsenal ka badisay Los Blancos.
Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich iyo Manchester United ayaa yiri, “Waxaan u maleynayaa ka dib qaab ciyaareedkiisii Bernabéu – Arsenal xitaa ma rabto inay maqasho arrintan – Real Madrid ayaa fiirin doonta isaga oo ku fekereysa, ‘Wuu noo ciyaari karaa”.
“Wali shaqo badan ayaa uga dhiman Arsenal, ku guulaysto premier league kadib aad Real Madrid”.