Taageerayaal Liverpool Ah Oo Codsi Waalli Ah U Diray Alexander Arnold Kadib Goolkii Leicester

0
40

Jowhar- (Isnaay Radio)- Trent Alexander-Arnold ayaa Liverpool u dhaliyay goolkii guusha ee ay kaga badiyeen Leicester City, waxaana taageerayaasha Reds ay si weyn ugu falceliyeen arrintan baraha bulshada. Goolkaas ayaa kusoo beegmay xilli la hadal hayo inuu xiddiggan ka tagayo kooxda marka uu dhamaado heshiiskiisa xilli ciyaareedkan, kuna biiro Real Madrid.

Alexander-Arnold ayaa si qurux badan kubad ugu dhuftay lugtiisa bidix – waana goolkii ugu horreeyay ee uu ku dhaliyo lugtaas intii uu xirnaa maaliyadda Liverpool. Goolkaas ayaa keenay in Liverpool ay hal tallaabo u jirsato hanashada horyaalka Premier League ee labaad tan iyo markii la aasaasay.

Leicester City ayaa dhankooda laga diiwaan geliyay guuldarrooyinkoodii sagaalaad oo xiriir ah oo ay ku ciyaareen garoonkooda iyagoo aan wax gool ah dhalin. Natiijadani waxay kooxdaas si rasmi ah ugu dirtay heerka labaad ee Championship, waxayna la mid noqdeen Southampton oo horey loo reebay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here