Carlo Ancelotti Oo Sheegay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Champions League

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Mikel Arteta ayaa daaha ka qaaday in Carlo Ancelotti uu u sheegay in uu ‘rajaynayo’ in Arsenal ay ku guulaysan doonto tartanka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay Real Madrid ka baxday habeenkii Arbacada.

Arsenal ayaa 5/1 kaga badisay Real Madrid natiijada labada kulanka iyaga oo iska xaadiriyay Semi-final-ka champions League.

Arsenal ayaa haatan semi-finalka la ciyaari doonta Paris Saint-Germain, halka kulanka kale ee semi-finalka Champions League ay Barcelona la ciyaari doonto Inter.

Wareysi uu siiyay Movistar ka dib guushii Arsenal, Arteta wuxuu ka yiri Ancelotti: “Waxa uu ahaa mid kalgacal leh”.

Waxa uu ii sheegay in uu rajaynayo in aanu ku guulaysano champions League”.

Kooxda Arsenal ayaa raadinaysa koobkeedii ugu horeeyay ee champions League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here