Arsenal Oo Taariikh Samaynaysa Kulanka Real Madrid.

0
13

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa laga yaabaa inay gaarto guul aan horay loo arag Champions League marka ay Real Madrid kula ciyaarayaan Bernabeu.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ku wajahan caasimadda Spain sideed maalmood ka dib markii ay kooxda heysata horyaalka Yurub cashar kubbadda cagta ah u Dhigeen iyaga oo ku garaacay 3/0.

Laba gool oo uu dhaliyay Rice iyo gool uu dhaliyay Merino ayaa Arsenal ku Hor seeday in ay ku badiso 3/0.

Laakiin Arsenal ayaa wajahaysa shaqo adag oo ah in ay natiijo fiican kala Soo baxdo garoonka Bernabeu.

Gunners Ayaa ku laabanaysa garoonka cabsida leh ee Bernabeu 19 sano ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen 2005-06 wareega 16-ka, halkaasoo uu dhaliyay goolkii Thierry Henry.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here