Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gooldhalinta Yurub Oo Meel Xiiso Leh.

0
28

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Abaalmarinta Kabta Dahabka ah ee Yurub ayaa meel xiiso leh maraya xilli ciyaareedkan iyada xiddigo badan ku tartamayaan gool dhalinta.

Harry Kane ayaa difaacanaya kabta dahabka ah ee yurub waxana ku tartamaya xiddigo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu caansan qaarada ee la filayo inay loolan adag la galaan Kane iyagoo sidoo kale doonaya inay ku guuleystaan ​​kabaha dahabka ah ee Yurub.

Kane ayaa ku guuleystay koobkiisii ​​ugu horeeyay ee kabta dahabka ah ee Yurub xilli ciyaareedkii hore, isagoo u dhaliyay 36 gool xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horeeyay ee Bayern Munich, inkastoo uusan wax koob ah ku guulaysan.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah oo wacdaro dhigaya premier League ayaa xilli ciyaareedkan hogaaminaya tartanka gooldhalinta kabta dahabka ee yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here