Shiinaha oo wacad ku maray inuu dagaal adag la geli doono canshuuraha Trump

0
73

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa si adag uga jawaabay hanjabaaddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahayd in uu Beijing soo rogi doono canshuur dheeri ah oo 50% ah haddii aanay ka noqon cashuurta aargoosiga ah ee ay ku dhawaaqday Talaadadii.

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin waxa ay ugu yeedhay “nooca baad ah oo Maraykanku samaynayo” waxayna ku waxaanay wacad ku martay in ay “dagaallami doonaan illaa dhammaadka.” Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in khilaafkaani uu kordhinayo suurtogalnimada dagaal ganacsiyeed calami ah oo si weyn u saamayn kara dhaqaalaha adduunka.

Canshuuraha cusub waxay sababi karaan in shirkadaha Maraykanka qaarkood oo alaabaha ka keena Shiinahu ay wajahaan canshuur dhan 104%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here