Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Magaaladan ku taalla dalka Norway oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa waxaa qiyaas ahaan ku nool ilaa 3000 oo qof.
Magaaladan oo la yirahdo Longyearbyen ayaa ah jasiirad ku taala bartamaha dalka Norway waxaana khasab ah in qofkii ku xanuunsadaa gudaha magaalada uu isaga baxo haddii uu ku dhintana laguma aasi karo magaaladaas.
Qofka marka uu xanuunsado ama sakaraad noqdo waxaa loo dirayaa magaalooyinka kale ee dalka Norway si ay halkaas ugu geeriyoodaan waxaana jira sharci ah in haddii qof uu ku dhinta aysan cidna xabaali karin.
Sharcigan ayaa magaalada Longyearbyen ka dhaqan galay muddo ka badan 80 sannadood kahor, waxaana sanadkii 1918 albaabada la isugu dhuftay xabaalaha magaalada oo dhan.