Putin oo shuruudo adag ku xidhay xabbad-joojinta dagaalka Ukraine

0
7

Jowhar ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uu ku oggol yahay hindisaha xabbad-joojinta ee Ukraine, laakiin “weyddiinta” weli taagani ay tahay nooca xabbad-joojinta isaga oo soo jeediyay dhowr shuruudood oo adag.

Hadalka Putin ayaa daba socda qorshe xabbad-joojin 30 maalmood ah oo ay oggolaatay Ukraine horraantii todobaadkan kaddib wadahadal dhex maray Maraykanka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay jawaabta uu Putin ka bixiyay qorshahan mid wax isdaba marin ah, wuxuuna ku baaqay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro Ruushka.

Mareykanka ayaa cunaqabatayn dheeri ah saaray qeybaha saliidda, gaaska iyo bangiyada Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here