Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Arbacadii sheegay inuu bilaabayo dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameynayo hay’addan caalamiga ah si kor loogu qaado waxtarkeeda loona dhimo kharashka ku baxa, xilli ay la kulmayso xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
“Khayraadku wuu sii yaraanayaa –muddo dheerna sidaas bay [arrintu] soo ahayd,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.
Wuxuu sheegay in hindisahan – oo loo bixiyay UN80 maadaama Qaramada Midoobay ay sanadkan u dabbaaldegayso sannad-guuradeeda 80-aad – uu doonayo inuu ballaariyo, isla markaana uu dardargeliyo dib-u-habayn tii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2017, si hay’addu ay u noqoto mid intii hore ka faa’iido badan, kana kharash-yar.