Saamiyada suuqyada caalamka oo hoos ugu dhacay

0
39

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saamiyada suuqyada dunida ayaa hoos u dhac ku yimid, ka dib markii ay soo baxday saadaal muujineysa, in dhaqaalaha Mareykanka uu qarka u saaran yahay in uu ragaado.

Walaacan dhaqaalaha Mareykanka ayaa loo aaneynayaa, dagaalka dhanka canshuuraha ee uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku qaaday dalal qaarkood.

Waxaa haatan lagu soo warramayaa in saamiyada suuqyada Mareykanka iyo Aasiya ay hoos ugu dhaceen, kadib walaaca laga muujiyay dhaqaalaha Mareykanka.

Tani ayaa daba socotay iyadoo madaxweynaha oo wareysi uu siiyay TV ku sheegay ,in dhaqaalaha adduunka ugu weyn uu ku jiro “xilli kala guur ah”, markii wax laga weydiiyay uurtagalnimada hoos u dhac ku yimaada ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here