Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalalka ugu horreeya Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageerayaan qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza oo ay ku kici doonto $53 bilyan (£41 billion) loogana fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda.
Qorshahan, oo ay la timid Masar ayna soo gudbiyeen hoggaamiyeyaasha Carabta, ayaa waxaa diiday Israa’iil iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Britain ayaa soo dhoweeyay qorshahay, oo lagu doonayo in Gaza dib loogu dhiso muddo shan sano gudahood.