Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ruben Amorim ayaa ku andacoonaya in aan la siin doonin waqti la mid ah midka la siiyay Mikel Arteta si uu dhinaca kale ugu rogo qaab ciyaareedka xun ee Man United.
Mikel Arteta ayaa hogaminayay Arsenal tan ilaa December 2019 waxana uu taageero ka helay maamulka kooxda nkasta oo uu hal koob ku guulaystay ilaa haatan.
Xill ay Arsenal ku jirto kaalinta 2-aad ee premier League sidoo kale ku dhawdahay Quarter-Final-ka champions League United ayaa ku jirta kaalinta 14-aad iyaga oo ku jira qaab ciyaareed liita.
Waxa kaliya ee u hadhay Man United ayaa ah Europa League xilli ciyaareedkan Amorim yaana sheegay in samirka uu Arteta ka helay maamulka Arsenal in aanu isagu ka heli doonin maamulka Man United.