Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Mareykanka ayaa jaray xogihii dhanka sirdoonka ee uu la wadaagayay Ukraine, tallaabo si weyn u dhimi karta awoodda Kyiv ee sii wadista dagaalka saddexda sano ay kula jirto Ruushka.
Washington ayaa si xooggan u riixeysa wadahadallo nabadeed oo ay dooneyso in lagu soo afjaro dagaalka labada dowladood ee deriska ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa horraantii toddobaadkan amray in la hakiyo gargaarka milatari ee Mareykanku siiyo Ukraine, maalmo yar kadib markii hadallo kulul ay Aqalka Cad isku weydaarsadeen isaga iyo madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.