Trump & Zelenskyy oo Hadallo Kulul Isweydaarsaday

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Kulan shalay Aqalka Cad ku dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, oo ujeeddadiisu ahayd sidii uu Mareykanka u heli lahaa xuquuqda macdanta dhif iyo naadirka ah ee Ukraine, ayaa isu bedealy mid hadallo kulkulul ay labada hoggaamiye isku weydaarsadaan.

War qoraal ah oo uu soo dhigay baraha bulshada kulanka kadib ayuu madaxweyne Trump ku tilmaamay in heshiiska la soo jeediyay uu meesha ka baxay.

Trump ayaa yiri “Waxaan go’aansaday in madaxweyne Zelenskyy uusan diyaar u ahayn Nabadda haddii Maraykanku uu ku lug yeesho, sababtoo ah wuxuu dareemayaa ka qaybqaadashadayadu ay siinayso faa’iido weyn oo ku saabsan wada xaajoodka,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here