Ra’iisul Wasaarihii hore ee Guinea oo 5 sano loogu xukumay.

0
35

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Ibrahima Kassory Fofana, oo horey u ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumaddii madaxweynihii hore Alpha Condé, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay laba bilyan oo franki Guinea ah ($230,000). Xukunkiisa ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, magaalada Conakry ee caasimadda dalka.

Maxkamaddu waxay Fofana ku heshay inuu lunsaday ilaa 15 bilyan oo franki Guinea ah ($1.7 milyan) oo ka mid ah dhaqaalaha barnaamijyada daryeelka bulshada ee dowladdii hore, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dadaalladii wax looga qabanayay cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here