Fahfaahin laga helaayo 46 qof oo ku dhintay diyaarad ku dhacday Sudan

0
37

Jowhar – ( Radio Isanay ) – Afartan iyo lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad xamuul oo ay leeyihiin militariga Sudan ay ku burburtay xaafad ku taalla duleedka caasimadda Khartoum.

Diyaaradda nooca Antonov ayaa Talaadadii fiidkii ku dhacday agagaarka saldhigga milatari ee Wadi Seidna, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee militariga Sudan, kuna yaalla Omdurman, waqooyi-galbeed Khartoum.

Militariga Sudan, oo dagaal kula jira xoogagga sida militariga u tababar ee Gurmadka Deg-degga ah, Rapid Support Forces (RSF) tan iyo bishii April 2023, ayaa sheegay in diyaaradda ay burburtay xilli ay duulimaad ku jirtay, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca askar iyo dad rayid ah.

“Tirada shuhadada waxay gaartay 46, halka 10 kalena ay dhaawacmeen,” ayuu sheegay xafiiska warbaahinta ee maamulka Khartoum, kadib markii la dhammeystiray tirakoobka rasmiga ah.

Wasaaradda caafimaadka ee la safan militariga Sudan ayaa horay u sheegtay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen shilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here