Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadi shalay sheegay, in isaga iyo madaxweynaha Ukrainian Volodymyr Zelenskyy ay saxiixi doonaan heshiis u ogolaanaya Mareykanka xuquuq la taaban karo oo uu ku yeesho macdan naadir ah oo ay leedahay Ukraine.
Macdantan dhulka ee dhifka ah ayay Washington u heleysaa magdhawga hubki ay u dirtay Kyiv, kaas oo ay u adeegsatay iska caabbinta Ruushka oo dagaal ba’an ka wada Ukraine muddo saddex sano ah.
Madaxweyne Trump ayaa kulanki u horreeyay ee Golahiisa Wasiirrada isugu yimaadeen shalay ka sheegay, in Zelenskyy uu iman doono Aqalka Cad maalinta Jimcaha ah ee foodda nagu soo haya, si uu u saxiixo heshiiska isla markaana uga hadlaan xaaladda dagaalka.