Jowhar ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan lix caruur ah ayaa ku dhintay labadii todobaad ee la soo dhaafay magaalada Qasa cimilo qabow awgeed iyo la’aanta hoy iyo kuleyl ku filan, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo saraakiisha caafimaadka.
Dhakhaatiirta isbitaalka Benevolent Society ee waqooyiga Qasa, ayaa sheegay in sagaal carruur ah oo dhawaan dhashay oo la dhibtoonaya qabow daran la dhigay Isbitaalka, kuwaas oo shan ka mid ah ay dhinteen, mid kalena uu ku jiro xaalad halis ah.