Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 20 qof ayaa dhaawacmay kadib markii gaari uu ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich sida ay boolisku sheegeen, xilli magaalada koonfureed ee Jarmalka ay isu diyaarineyso shir ammaan oo heer sare ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.
Wargeyska Bild ayaa sheegay in boolisku baarayaan in darawalka gaari nooca Mini Cooper ah uu si kas ah ugu jiiray dadka ama uu isku khalday sheelaraha iyo bareega.
Booliska ayaa barta X ku sheegay inay xireen darawalka ayna rumeysan yihiin inuusan khatar dambe ku ahayn dadka, hase yeeshee ka gaabsaday inay shil ku tilmaamaan arrintan.