Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Hirshabeelle, Xildhibaan Maxamed Goodir, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Libiga, halkaas oo uu ku indha-indheeyay ololaha talaalka iyo daweynta xoolaha ee halkaas ka socda. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo caafimaadka xoolaha iyo horumarinta dhaqaalaha dadka xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka.
waxaa soo jeedineysa : – Xaliimo Cali.