Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dacwad-oogayaasha dalka Turkiga ayaa soo saaray dacwad saddexaad oo ka dhan ah Duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu – oo ah shakhsi laga yaabo inuu la tartamo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – kaddib markii uu dhaleeceeyay xeer-ilaaliyaha magaalada, sida ku cad warqadda dacwadda.
Dacwaddan cusub, oo hadafkeedu yahay in Imamoglu xabsi lagu xukumo lagana mamnuuco siyaasadda, ayaa timid kaddib markii uu Imamoglu kiisaskii hore ee ka dhanka ahaa ku tilmaamay inay yihiin qayb ka mid ah olole cadaadis oo dhanka garsoorka ah oo lagu hayo mucaaradka. Arrintan ayaa waxaa beenisay xukuumadda Erdogan.
Dacwaddan cusub, xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay dalbadeen in Imamoglu lagu xukumo xabsi sababo la xiriira hanjabaad iyo aflagaaddo ka dhan ah sarkaal ka tirsan dowladda, iyo waliba inuu bartilmaameedsaday shakhsiyaad ku lug leh la-dagaallanka argagixisada, sida lagu xusay dacwadda oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.