Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba sano ka dib markii uu halkaa ka dhacay dhulgariirkii lagu dhamaaday ee ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof.
Dhulgariirka ayaa ku dhuftay koofurta Turkiga saacadihii hore ee aroornimada, kaasoo burburiyey dhismayaal ay dad ku noolaayeen, xilli la jiifay.
Ayadoo haddaba ay laba sano ka soo wareegtay ayaa weli dad lagu qiyaasay nus malyan qof waxay ku nool yihiin meelo KMG ah oo ay ku hoydaan, kuwaasoo la mid ah kontaynarro.Qaar kale waxay ku nool yihiin teendhooyin, ama dhismayaal ay waxyeello weyn gaartay.